Warbixin Guud: Dugsiga Karaamo

 

1. Dugsiga Karaamo.

Ururka XaqUDOOD isaga oo ka duulaya baahida loo qabo in caruurtan loo helo dugsi ama hoy ay wax ku bartaan noloshooduna isku badasho, waxa uu aasaasay Dugsi loogu talagalay caruurta baahiyaha Gaarka ah qaba kaasi oo loogu magacday Karaamo.

Dugsiga waxa la aasaasay sanadka 2013 taasi oo ujeedadu tahay in loo fidiyo adeeg waxbarasho caruurta baahiyaha gaarka ah qaba. Ujeedooyinka loo aasaasay waxay tahay inayna jirin dugsi ama hoy waxbarasho oo u gaar ah caruurta kor ku xusan, dugsiyada jira ee Gobolkana aanay ka jirin fursad waxbarasho oo loogu tala galay caruurtan.

Kadib markii aan aragnay in caruurta baahiyaha gaarka ah qaba ay ka dhex maqanyihiin bulshada gaar ahaan waxbarashada, waxa ururka XAQUDOOD uu ku dhiiraday inuu yagleelo hoyga ama dugsiga waxbarasho ee caruurta baahiyaha gaarka qaba.

Dugsiga karaamo waxa uu hada gacanta ku hayaa tiro dhan 86 Caruurta baahiyaha gaarka qaba. 110 caruura oo kale waxay ku jiraan diiwaangalinta sugaysa fursad waxbarasho iyada oo aanu dugsigu u haynin fasalo ku filan tirade guud ee Caruurtan ee la diiwangaliyay inay wax ka bartaan dugsigan.

   

2. Maamulka iyo Macalimiinta Dugsiga.

Dugsiga karaamo waxa uu ka koobanyahay maamulka dugsiga, kormeeraha dugsiga iyo 9 macalin. Shaqaalaha caruurta u adeega oo ka kooban 3 shaqaale. Dirawaliinta Gaadiidka oo dhan 2 Dirawal. Nadaafada, Cunta karinta iyo Ilaalada Gaarka ah oo wadartoodu dhantahay 3 shaqaale.

Caruurta baahiyaha ah qaba waxay dugsiga ka helaan laba waqti oo cunto ah: Qureec iyo Qado dhamaystiran. Maalmaha todobaadka waxa la shaqeeya shan cisho oo ka bilaabanta maalinta Sabtida kuna dhamaata Maalinta Arbacada.

3. Hiigsiga Dugsiga.

Dugsiga karaamo ma aha mid buuxinaya baahida waxbarasho ee caruurta baahiyaha gaarka ah qaba marka la eego baaxada uu ku fadhiyo, sidaas darteed waxa socda dadaalo loogu talagalay sidii uu dugsigu u heli lahaa xarun dhamaystiran oo buuxinaysa dhamaan baahiyaha waxbarasho, baahida deegaan nolol wanaagsan oo ay caruurtu si hufan oo furan wax ugu baran karaan.

Ururka XaqUDOOD waxa uu hiigsanayaa inuu u helo caruurta baahiyaha gaar ah qaba dugsi ama hoy wayn oo ku filan dhamaan caruurta waxbarasho u baahan ee la diiwaangaliyo.

4. Xarunta iyo Xidhiidhka Ururka.

Xarunta Guud ee Ururka XaqUDOOD waxay ku taalaa magaalada Borama, gaar ahaan Xaafada Sheekh Cali Jawhar. Waxa lagala xidhiidhi karaa waxii macluumaad guud iyo mid gaar ahba addresyadan hoos ku xusan:

Email: xaqudoodcharity13@gmail.com

Phone : +252-63-3193900.